Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dawlada Mareykanka Oo Danjire Cusub U Soo Magacaawday Somaaliya

Thursday - August 15, 2013

Muqdisho - Danjiraha gaarka ah ee ay dowlada maraykanka u soo magacaawday soomaaliya James P. McAnulty ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay hawshiisa ah sarkaalka sare ee dhinaca siyaasada dawlada maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Mr. McAnulty ayaa soo galay shaqada siyaasada arrimaha dibedda ee dalka maraykanka bishii October 1983, waxana uu hore usoo noqday safiir dawladiisa u fadhiyay magaalooyinka Caracas ee caasimada dalka Venezuela, Mexico City ee caasimadda dalka Mexico, Nassau ee dalka Bahamas, San Jose ee dalka Costa Rica, Nairobi ee caasimada dalka Kenya iyo Brussels ee caasimada dalka Belgium oo uu ka soo noqday safiirka dowlada maraykanka u qaabilsan midowga yurub.
Mr. McAnulty ayaa dhawaanahan ahaa qunsulka dawlada maraykanka u fadhiya magaalada Abuja ee dalka Nigeriya oo uu ka ahaa qunsulka arrimaha siyaasada.

Mr. McAnulty ayaa helay sanadkii 2012da abaal marinta Warren Christopher Award oo uu ku muteystay dadaalkiisii dheeriga ahaa oo uu ka geystay arrimaha caalamka iyo shaqadiisii ahayd u hadlidda qaxootiga waqtigii uu ahaa isku xiraha qaxootiga gobolka ee safaarada maraykanka ee caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Mr. McAnulty ayaa ku guulaystay illaa afar abaalmarin sharafeed oo ay ugu danbeysay mid uu ku guulaystay bishii May ee sanadkii 2012 iyo bilad sharafeedkaa Meritorious Honor Award.

Intii aanu ku soo biirin shaqada arrimaha dibedda ee dowlada maraykanka ayaa Mr. McAnulty waxa uu sanadkii 1977dii soo qaatay shahaadad a Bachelor of Science degree,waxaana uu tababar dhanka ciidamada cirka ah ku soo qaatay saldhiga tababarka ciidamada cirka ee dowlada maraykanka ee ku yaala Colorado Springs, Colorado.

Ugu dambayntii, Mr. McAnulty ayaa hore usoo noqday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada cirka ee dowlada maraykanka, isaga oo kasoo shaqeeyay San Angelo Texas, Berlin Germany; the Republic of Korea iyo Arlington Virginia.