Obama Oo Sidi Far-Yaro Bidix Uga Sii Baxaya Masar Iyo Butin Oo U Si Biyeysanaaya Gurmadka Masar
Thursday - August 15, 2013
Moskow: Kadib dhambaal codsi miciin iyo Butinow magantaa u ka helay Jeneral Siisi . waxaa la sheegay in maanta madaxweynaha Dalka Ruushka Mr. Butin uu si deg deg ah isugu yeeray golhiisa hogaanka dawlada iyo guddi ka kooban xirfadlayaal aqoon-yahano kala dhig dhiga siyaasda bariga dhaxe si ay uga xaajoodaan xaalada ka sare oogatay cariga Masar ee dhiigu hibiqleynaya iyo muragada ka jirta dalkaas, waxaana la cadeeyey in golaha kadib markii ay dhagta raariciyeen, rogrogeen qoraalo calaacal uu uga codsanaayo Jeneral Siisi taageero milatari, isla markaana u ka cabnaayo caga jugleynta daalinka xoogsaday Mareykanka ee hiilka u gali-waayey oo haddana doonaaya inu afka naga galiyo akhwaanka laf dhuun gashay nagu noqday .. oo miyaan aqbali-karnaa in Maxamed Mursi mar labaad naga soo hor mutuxnaado. ayaa qoraalkii jeneralka laga dhex akhriyey golaha
Dabadeed goluha Ruushka markuu tixgaliyey ahmiyada weyn ee ay Masar ku Leedahay mandiqada bariga dhexe .. markay arkeen in baahi loo qabo buuxinta kaalinta ay mareekanka far-yaro bidix kaga sii baxeyso cariga Masar iyo sidi gacanta loogu dhigi lahaa halbowlaha Kanal Suweys .. Markii ay ka fiirsadeen kartida iyo daacadnimada uu Jeneral Siisi u muujinaayo dalka Ruushka iyo sidu u gayo madaxtinimada dalkaas. shirkaas gabagabadiisa waxaa la qaatay qodobo guud ay ka mid yihiin: 1- in mudane Jeneral Siisi iyo ciidamadiisa Rog cas loo dhigo isla markaana si hagar la'aan ah loogu furo keydka makhaasimada hubka kala gadisan ee ku yaala dalka Ruushka oo halkaas su'aal la'aan ka xamaashaan waxii saanad iyo hub ah oo baahidooda ah. 2- iyo in xiriirkii lixdimaadkii iyo waqtigi saxiibnimada Qaraamiga ruushka iyo Jamal Cabdi Naasir dib loo soo nooleeyo ,waxaa kalo goluhu meel marayeen in labada ciidan ee Masar iyo Ruushka ay si wada jira u sameystaan dhoola tus milatari si looga kaftoomo dhoolatuskii u ka baajiyey mareykanka ciidamada masaarida.