Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

D.Aweys Dabcinta Xabsigiisa Oo Lagu Xiray Inu Ka Shalaayo Dabinki Miino U Dhigi Jiray Hirta Waabari

Friday - August 16, 2013

Muqdisho - Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kulan xasaasi oo saddex geesood ah uu galabta illaa caawa ka socdo meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ee Magaalada Muqdisho, kulankaas oo u dhexeeya dawladda Soomaaliya oo uu metalayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariim Xusseen Guuleed, Odayaal dhaqameedyo iyo Sh. Xasan Daahir Aweys.
 
Waraka laga helayo kulankaasi ayaa xaqiijinaya in Sh Xasan Daahir Aweys loo soo bandhigay warqad qoraal ah oo la doonayo in haddii uu saxiixo qodabada ku qoran la sii daynayo, inkasta oo qoraalkaasi la sheegay in dhinacyada wadahadlaya ay ka doodayaan, suuragalna ay tahay in wax laga bedeli karo qodabada uu ka kooban yahay.
 
Qodobada ugu xasaasisan ee la sheegay in doodiisa ay socoto ayaa lagu tilmaamay in uu yahay in Sh. Xasan Daahir aanu ka qaybgeli-karin siyaasada Soomaaliya, barrina ka noqdo hirta waabariga wuxuu dhigi jiray dabino Qaraxyada miinada iyo inu ka toobad keeno hawlaha masiibo xumaanta ku hiisha gaar ahaan beenti iyo khiyaaligi la isku maawelin jiray ee Jihaadka caalamiga halkoodana ku badalo hanuunin iyo baaq nabadeed, taas oo aan la ogayn shiikhu in uu aqbali doono iyo in kale.