Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Adis Ababa Oo Shir Uu Uga Furmay Ergooyin Ka kala Socda Df Iyo Maamulka Jubaland

Monday - August 19, 2013

Addis Ababa (RH) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaa ku qulqulaya ergooyin ka kala socda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Labo wafdi ayaa maanta oo Isniin ah ka amababaxay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo kuwaasoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabduqaadir halka wafdiga maamulka Jubbaland uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe.

Waa kulankii labaad oo si ka fool-fool ah ay u kulmaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Ma cadda wax yaabaha shirka looga hadli doono, iyadoo dhawaan shir ka dhacay Kampala oo ay yeesheen madaxda ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya, waxaana la isku afgartay in dekedda iyo garoonka Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya, iyadoo wixii farsamo hawlahaas la xariira loo si maraayo maamulka halkaa ka jira oo ka mid ah dawlada federaalka.