Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Madaxweynihi Hore Ee Masar Xusni Mubaarak Oo La Amray In Xabsiga Laga Sii Daayo

Tuesday - August 20, 2013

Qaahira-Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarik, ayaa la filayaa in maalamha soo socda xabsiga laga sii daayo, ka dib markii ay maxkamadi amarkaas bixisay.
Garyaqaan Fareed Aldayeb oo Madaxweynihii hore ee Masar u doodaya ayaa shaaca ka qaaday in todobaadyada soo socda xabsiga laga sii-deyn doono Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, ka dib markii lagu waayay qaar ka mid ah dambiyadii cuslaa ee lagu oogay. Hase yeeshe haddii ay maxkamadu goÂ’aankan ku sii dayso Madaxweynihi hore Masar, waxaa suurtogal ah inay baasiin ku sii shubto xaaladda qasan ee ka taagan wadanka Masar, sababtoo ah sii daynta Xusni Mubaarak waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynihii sida sharciga la doortay ee Masar Maxamed Mursi uu xabsi ku jiro. Waxaanay ikhwaanku iyo guud ahaan shacabka reer Masar u arki karaan in labadooda si ula kaca la isugu bedelay, taasina waa suurtogal iney sii kiciso kacdoonada ay wadankaas ka wadaan.
 
Warka ayaa intaa raacinaaya in dayaaradi lagu geyn-lahaa dalak Emaraadka ay dawladaas soo dirtay si ay uu dajiso dalkeeda, waxaana isla shalay soo gaaray magaalad Qaahira wafdi Reer Abudabi  oo raba inu kala xaajoodo general Siisi sidi iyo qaabkii lagu dhaqan galin-laaha safarka Xusni Mubaarak.