Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Madaxweyne Axmed Madobe Oo Caawa Wadahadal-koodi Bilaabmaya
Tuesday - August 20, 2013
Adis Ababa-Wadahadaliid Xalay dhex maray Wafuudii Dowlada Feederaalka iyo wafuudii Dowlada Jubaland oo labada Madaxweyne aysan ku jirin ayaa lagu kala kacay ka dib markii si toosa la isu fahmi waayay, Dhinaca Jubaland waxay cadeeyeen in Ergada Dowlada federaalku soo dirtey ay yihiin kuwo aan haba yaraatee Wax Wadahadal siyaasadeed ah aan gali karin, kuwasoo la soo shir tagay waxyaabo waa hore laga soo gudbey.
Siyaasi ka tirsan Dowlada Jubaland ayaa sheegey in Wadahadalaii xalay dhacay ee u gogol xaaraya kulanka labada Madaxweyne ay ahaayeen kuwo aan guul laga gaarin, balse hada la sugayo kulanka caawa u bilaabanaya Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe oo uu wehelin doono Madaxweyne Xigeenka Jubaland Jen. Fartaag.
Lama sheegin meesha kulanka labada Madaxweyne ka dhici doono, Waxaana kulanka xigi doona Casho gaara oo labada Madaxweyne Yeelan doonaan.