Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Haweyney Reer Sweden Ah Oo Maanta Mogdisho Lagu Dhaawacay

Wednesday - August 21, 2013

Muqdisho- Magaalada Muqdsho waxaa maanta duhurkii lagu dhaawacay haweeney u dhalatay dalka Sweden.kadib markii Kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen baabuurkii ay la socotay, sidoo kale waxaana weerarkaas ku dhintay ugu yaraan labo qof oo ilaalada ahayd oo uu ku jiro turjumaankii haweeneyda kaasoo isna haysta dhalashada dalka Sweden.

Weerarka ayaa la sheegay in uu dhacay markii ay ka soo baxeen xarunta Jaamacadda Somalia ee oo ku taalla degmada Hodan, waxaana ay halkaas ku soo bixisay tabbabar ay siineysay ardayda wax ku barta Jaamacadda.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Sweden ayaa xaqiijisay in weerarka ka dhacay Muqdisho ay ku dhaawacantay haweeney la yiraahdo Ann- margethere Livh oo u dhalatay dalkaas, kana tirsan xisbiga bidixda ee ka jira dalka Sweden
Dhaawaca haweeneydan oo la sheegay inu fudud yahay ayaa loo qaaday Isbitaalka Xalane ee AMISOM, balse galabta ayaa loo qaaday magaalada Nairobi halkaasoo lagu daweyn-doono.