Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

War Deg Deg Ah: Heshiiskii DF Iyo Jubaland Oo Daqiiqadihii U Dambeeyey Burburay

Wednesday - August 21, 2013

Adis Ababa- Heshiiskii maanta ay wada gaareen Dowlada Federaalka iyo dowlada Jubaland ayaa burburey ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu si deg deg ah ugu dhoofey Muqdisho isagoon saxiixin heshiika wuxuuna la yimid sharuudo hor leh, Heshiiska ayaa lagu wadey in galabta la saxiixo lakiin Wakiiladii Dowlada federaalka ee Madaxweynuhu uu uga tagay dhameystirka heshiiska ayaa diidey Heshiiskii.
 
Burburka Heshiiska ayaa ahaa mid uu Madaxweyne Xasan Sheikh ka dambeeyey, iyadoo Wakiiladii IGAD ay aad uga xumaadeen arinta dhacdey iyo qar iska-xoorka madaxweyne Xasan Sheekh.
Wafdiga Jubaland waxaaa caawa casha sharaf uu sameeyey madaxweynaha dawlada Degaanka Somaaliyeed mudane Cabdi Cumar