Dhinacyada DF Iyo Jubaland Oo La Filaayo Iney Galabta Saxiixaan Heshiiski Ay Horay U Wada Gaareen
Thursday - August 22, 2013
Adis Ababa-Galabta waxaa Magaalada Adis Abeba ka bilaabanaya kulan xasaasi ah oo ay wada yeelanayaan Ergooyinka Jubaland iyo villa Somalia kuwasoo qorshuhu yahay in la dhameystiro heshiiskii labada Madaxweyne Wada gaareen.
Heshiiska ayaa qorshuhu ahaa in la saxiixo shalay balse waxaa hadal ka soo ceshey Madaxweyne xasan Sheikh, iyadoo Madaxweynuhu uu Markuu Muqdisho ku laabtey uu amar ku siiyey Ergadiisa ineysan saxiixin heshiiska.
Kulanka maanta dhacaya waxaa laga wada hadlayaa Qodobo dhowra inkastoo dhinaca Jubaland ay ku adkeysanayaan in la saxiixo Qodobadii shalay lagu heshiiyey .. Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo goob joog ka ahaa Heshiiskiin Shalay ayaa muujiyey inuu aad uga Xun yahay hadalka kasoo yeerey Madaxweyne xasan Sheikh.
Kulanka Galabta hadii ay Ergada Dowlada federaalku ku adkaystaan iney shaki galiyaan heshiiskii shalay waxaa u Qorsheysan Ergada Jubaland iney isaga baxaan shirka, kulankuna halkaas ku burburo, iyadoo dhinaca kalena laga soo xigtey IGAD in Wadahadalka maanta ay khasab tahay iney Dowladu saxiixdo heshiiskii shalay.