Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Wadadii Cadeyd Cagta Sarnayee Ku Caraabiyoo .. Jubaland Oo Si Buuxda Loo Aqoonsaday

Friday - August 23, 2013

Adis ababa- Wadahadalkii Adis Abeba ee Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka ayaa heshiis laga gaarey inkastoo aan wali si rasmi ah aan loo saxiixin oo howsshu socoto wali ..Wadahadalka maanta ayaa ahaa mid aad u adag Qodobo dhowrana la isku Qabtey, Waxaa laagu heshiiyey in la aqoonsado Jubaland lakiin la badalo magaca hada laa isticmaalo ee dowlada Jubaland kasoo lagu badalayo Maamulka Jubaland waana la isku afgartay.
 
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa soo jeediyey in la badalo Madaxweyne Xigeenka Jubaland iyadoo lagu badalayo Cabdi shire oo ah Bare hiiraale Adeerkiis waxaase arintaas kasoo horjeestey Ergada Jubaland, aakhirkiina way ka tanaasuleen Qolada Villa Soomaaliya arintaas.
 
Waxaa kaloo lagu heshiiyey in Dowlada Federaalku ay talo ku yeelato Shaqooyinka haray ee lagu  soo dhaameystirayo maamulka Jubaland iyaadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka ah.
 
Qodobkaan ayaa qoloba si u doonayeen, Villa Soomaaliya waxay doonayeen in laga dhigo sidaan “Dowlada Federaalku waxay talo ku yeelanaysaa Dhismaaha Maamulak Jubaland iyo geedi socodkaaba” hasa ahaate Ergaada Jubaland way diideen sida loo qorayo qodobkaas waxaynaa soo jeediyeen in laga dhigo “Dowlada dhexe waxay talo ku yeelanaysaaa Dhamaystirka Maamulkaa Jubaland iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya”. sidas dambe ayaana la qaatey.
Waxaa Heshiiska Goob joog ahaaa IGAD iyo ergo ka socota UNSOM oo Qaramada Midoobey ah, waxaana hada dhiman oo kaliya in la jeexo jidkii la raaci lahaa sidii loo hirgalinlahaa qodobadaan.
 
Isku soo duuboo Dowlada Federaalku waxay Aqoonsatey Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku Xigeenkiisa Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Farataag iyo Waliba xukuumada ay soo dhisayaan.
 
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xigeenka Maamulka Jubaaland Cabdullaahi Farataag waxay beri u kicitimayaan Jigjiga oo ay Casumaad rasmi ah ay ka heleen Madaxweyne Cabdi Maxaamed Cumar.