Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

War Cusub: Midawga Yurub Oo Ka Digtay Munaafaqeynta Iyo Talada Aan Tawfiiqda Lahayn Ee Xasan Shiikh

Saturday - August 24, 2013

Adis Ababa: Waxaa maanta Magaalada Addis Ababa ka dhacay Shir ay yeesheen Wakiilada IGAD iyo Beehsa Caalamka kaasoo ku saabsanaa Caga jiidka iyo jahawareerka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka muujiyeen Wadahadalada Siyaasadeed ee Addis Ababa uga socda iyaga iyo Maamulka Jubaland.
 
Shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen Wakiilo ka socda Safaaradaha Midowga Yurub qaarkood, Waxayna Wakiilada Midowga Yurub sheegeen hoostana ka xariiqeen in Dhameystirka Wadahadalada u socda labada dhinac uu ku xiran yahay ka qaybgalka Shirka NEW DEAL ee bisha soo socota ka furmi doona Xarunta Midowga Yurub ee Bruxelles.
 
Sida muuqata Dowlada federaalka waxaa cadaadis lagu saarey iney Saxiixaan heshiiskii ay Xalay la galeen Maamulka Jubaland, ka dib markii ay maanta Ergada Villa Soomaaliya ay sheegeen ineysan Saxiixeyn Heshiiska, mana ahan markii kowaad oo balan ka bax noocaan ah ay sameeyaan.
Ergada Muqdisho labo maalmood ka hor ayay sidaan oo kale u diideen iney saxiixaan Heshiis kan ka horeeyey, waxaa la xusay in Kulanka maanta dhexmarey IGAD iyo Beesha Caalamka uu goob joog ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya oo aad u daneynaaya in heshiiska la saxiixo .. waxaana warar xuuraan ah lala tibaaxaya in wasiirka khaarajiga Itoobiya uu ku yiri Xasan shiikh afka aad ku qosleyso iyo ilkahaad muujineyso waxay muujinayaan inaad daacad u ahayn shirka iyo heshiis la gaaro