Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Wada-hadalki DF Iyo Jubaland Oo Weli Dabeyshi Walhineyso, Dhinacna U Qaadeyn Ee Halkaas Ka Babanaaya

Sunday - August 25, 2013

Adis ababa: shirka ka socda dhinacyada Jubaland iyo Df illa iyo hadda wax horumar ah kama muuqato, waxaana la saadaalinaya in ay wada-hadalku fashal ku sii socdo ma daama ergada ka socota DF ay dheelaleysan-yihiin gar diid-yihiin oo sidi jir-jiroolaha kolba dhinac uu socda, waxayna hoosta ku haystaan arimo is khilaafsan oo ku saleysan saar-qabiil iyo cuduro kale oo halis ah oo aan dan u ahayn qaranimada dadka iyo dalka sidaa daraadeed waxaa warka loo badinaaya in meesha lagu kala tagi-doono.
 
Shirka haddu burburo, dan uguma jirto DF oo waxay noqonayaan sidi Haad geed waayey oo halkaas awoodeedii hanashada dalka oo awlba wiiqsaneyd ayaa meesha ka sii baxeysa, waxaana dawladaha bulshada caalamak uu arki-doonaan dawlada Xasan Shiikh mid faashil ah oo aan dhinac walba looga kalsoonaan-doonin, taaso kalifeysa in dawladaha taageera Somaaliya ay markaas si toosa ula macaamilaan maamulada gobolada dalka.
 
Waxaa iyadana tusaala ah in xaalada maamul iyo siyaasad xumada DF oo maanta maraya halkii ugu xumeyd, ee uu ku doonaayo meel marinta af-duubida Jubaland awgeed ma jirto wax saameynaya dawlada goboleedka Jubaland gaar ahaan hawlahooda maamul haddi la ictiraafo iyo haddi kalaba , balse waxaaba uu roon maamulka Jubaland in illa waqtiga hadda gaar ahaan inta Xasan shiikh madax yahay ay xiriirkooda ka faag-faagtaan sida Puntland iyo somaliland oo warkoodaba ganafka ku dhuftay.