Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Reer Galbeedka Oo Maalmaha Soo Socda Mawjado Sawaariikh Dhaadheer Ku Hafin-doona Dalka Suuriya.

Tuesday - August 27, 2013

Sida ay carbaabeen khubarada siyaasada aduunka wax ka iftiimiya ay sheegeen in qiyaasta maalinta khamiista ku aadan si toosa loo weerari-doono dalka Suuriya isla markaana si xadadan iyo inti sadex maalmood is daba jooga ah loogu garaaci-doono gantaalo lala beegsanaayo meelaha halbolayaasha u ah ciidamada Suriya.
 
Dalalka Maraykanka , Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa laga yaabaa in ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee talaabo milatari qaada maalmaha soo socda,  dalalka maraykanka ayaa isagu hada ku diyaariyay Afar markab oo kuwa dagaalka ah xeebaha dalka suuriya , halka uu ingiriiskuna xoojiyay saanadiisa milatari ee xarunta uu ku leeyahay Jaziirada Qubrus oo sida ay sheegeen duuliyaal wada diyaaradaha dalxiiska ee dalka ingriiska waxay arkeen Taangiyo iyo Diyaaradaha dagaalka oo jasiiradaas la soo dhoobay,

wararka ayaa sheegaya in ujeedada weerarkaas sabab looga dhigayo in ay xukuumada Bashaar Al Azad ay u adeegsatay dadkeeda hubka kiimikada ah, kaas oo xaqiijinta warkaas laga sugayo saacadaha soo socda, wafti xaqiiqo raadis ah oo ay qaramada midoobay u dirtay halkaas.

Si kastaba ha ahaatee reer galbeedka ayaa u muuqda in aanay gafi-doonin gacan ay u qaadaan xukuumda dimishiq sababtay-doontaba ha ahaatee.