Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Shirkii Adis Ababa Oo Soo Dhamaaday Iyo Heshiis Rasmi Ah Oo La Gaaray

Wednesday - August 28, 2013

Addis Ababa- Magaalada Addis Ababa waxaa goordhow heshiis ku gaaray dowladda Soomaaliya iyo ergada ka socotay maamulka Jubbooyinka.

Labadan dhinac ayaa maalmahan shir ku lahaa halkaas, waxaana ugu dambeen ay galabta saxiixeen qoddabada ay ku heshiiyeen 

Waxaana qoddobada lagu heshiiyay ka mid ah in dowladda si rasmi ah u aqoonsatay maamulka jubooyinka uu madax ka yahay Axmad Madoobe, balse maamulkaas oo ah kumeel gaar uu dhisnaan doono labo sanno kaddibna la qaban doono doorasho ay ka qaybgalayaan dhammaan ummadda ku dhaqan seddaxda gobal.

Sidoo kale qoddobada muhiimka ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in maamulka Jubooyinka uu muddo lix bil uu maamulo dhaqaalaha dekedda Kismaayo kaddibna wada hadal iyo qaab la isku afgarto lagu wareejiyo maamulka dhaqalahaas dekada iyo airaboorka dowladda Soomaaliya.

In Dowladda ay qabto shirweyn looga hadlaayo mustaqbalka Jubbooyinka iyo Gedo, kaasoo ka kala dhacaya Muqdisho iyo Kismaayo.

In Axmed Madoobe uu soo dhammeestiro maamulka kumeel gaarka ee hadda ka dhisan caasimada jubooyinka ee Kismaayo.

In Nabada laga shaqeeyo isla markaana maleeshiyaadka iyo ciidamada ku sugan Jubbooyinka iyo Gedo laga dhigo ciidamo dowladda ka tirsan.

Heshiiska waxaa dhinaca dowladda u saxiixay wasiirka madaxtooyada Faarax Cabduqaadir dhinaca maamulka Jubba waxaa u saxiixay Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa goobjoog ka ahaa heshiiska, IGAD, QM, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo diplomaasiyiin kale.