Ruushka Oo Diiday Go'aan Talabo Milatari Lagu Qaado Suuriya Oo Ka Soo Bixi Lahaa QM
Thursday - August 29, 2013
New york-Ruushka ayaa diiday go'aan ka soo bixi lahaa Qaramada Midoobayd oo suuragelin lahaa in tallaabo milatari lagu qaado dalka suuriya,Maraykanka ayaa u muuqda in uu haatan ka quustay in uu taageero ka hela Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayd si uu tallaabo uga qaado Suuriya oo ay codka diidmada qayaxan marwalba la hortaaganyihiin wadamada Ruushanka iyo Shiinuhu.
Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in uusan weli go'aan ku gaarin in dalkiisu qaado tallaabo militeri,Obama ayaa sheegay inay iska caddahay in dowladda madaxweyne Bashar Al Asad ee Suuriya ay dad rayid ah u adeegsatay hubka wax gumaada ee kiimikada ah.
Ruushka ayaa ku gacansayray qaraar qabyo ahaa oo la hor keenay shanta xubnood rigliga ama joogtada ku ah golaha amaanka ee qaramada midoobayd, isla markaana waxa uu Maraykanku Ruushka ku eedeeyay wax uu ku tilmaamay macangagnimo.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka Marie Harf ayaa sheegtay in Maraykanku uusan oggolaan doonin in isamri-waaga diblumaasiyadeed uu difaac u nqodo dowladda suuirya.
Qaraarka oo ay dawladda Britain soo diyaarisay waxaa looga gol lahaa in uu waddada u xaaro guluf colaadeed oo lagu qaado suuriya, sida hadalka loo dhigay, lagu difaacayo dadka rayidka suuriya oo ay hormuud ka yihiin shiinaha iyo Iran,
Ruushka ayaa isaguna waxaa uu hoggaamiyaa isbaheysi caalami ah oo lagu taageerayo dowladda Suuriya,Waxa uu doonayaa in laga warsugo kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee ku sugan Suuriya oo la filayo inay warbixin ka soo saaraan hubka kiimikada ee Suuriya.