UN-ka Oo Sheegtay In Baaritaankii Suuriya Isticmaashay Hubka Kimikada Ah Shay-Baar La Marinaayo
Friday - August 30, 2013
New York-Afhayeen u hadlay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa ku dhawaaqay in khubaradii jamciyadda quruumaha ka dhaxaysay ee soo baaraysey hubka kimikada ah ee la sheegay in lagu weeraray goobo ka tirsan degaannada duleedka magaalada Dimishiq ee Suuriya, inay haatan soo dhammaysdeen baaritaankaasi.
Khubaradu waxay soo ururiyeen wixii agab, qalab, haraa, dhiigag, iyo macluumaad kale ee laga baari karo wax caddaymo ah oo muujinaya in loo adeegsaday dagaallada Suuriya hub kiimikada sunta ah ayuu hadalkiisa ku yiri afhayeenkaasi u hadlay qaramada midoobayd.
Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in haatan la bilaabayo in lagu eego agabkaasi xarumaha shaybaaryada si natiijo looga gaaro, taasina ay qaadan doonto in muddo laga baaraandego.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa isna sheegay in codkii baarlamaanka dalkan Ingiriisku ay ku diideen in laga qayb galo tallabooyin milateri oo laga qaado Suuriya, in go'aankaasi aanu ahayn mid saamaynaya oo wax ka bedelaya mawqifka dawladda Faransiiska ee ah inay ka qayb gasho tallaabooyin milateri oo ay la la wadaagto Maraykanka.
Xoghaya arrimaha debadda ee Maraykanka oo isna galabta ka hadlay telifishannada ayaa sheegay in Maraykanku ay og yihiin oo ay hubaan in dawladda Suuriya ay adeegsatay hub kiimika ah, halka ay ku riddey, iyo waqtiga ay isticmaashay. Waxanu intaasi ku daray in Maraykanka uu xil ka saaran yahay in uu guto waajibaadkiisa caalamiga ah, tallaabooyina ay dawladdu qaadi doonto waqtiga u qorshaysan ee munaasibka ah.