Madaxweyne Butin Oo Sheegay In Eedeymaha Loo Jeediyey Suuriya Waa Mid Waxba Kama Jiraan Ah
Saturday - August 31, 2013
Mosco-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ah in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah ku tilmaamay in aanay micno sameyneyn.
Mr Putin waxa uu sheegay in haddii ay Washington hayso wax xaqiiqo ah ay caddeyso eedeymaha, isla markaana ay soo hor dhigto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Waddanka Mareykanka John Kerry uu sheegay in Mareykanku og yahay cidda qaaday, goobta uu ka dhacay iyo xilliga la qaaday weerarka la sheegay in loo isticmaalay hubka kiimikada ee dalka Suuriya.
Mr Kerry waxa uu sheegay in ugu yaraan 1,429 Suuriyaan ah lagu dilay weerarkaasi.
Waxa uu sheegay in xogta sirdoonku ay muujineyso in ciidanka Suuriya ay joogeen goobta saddex maalmood ka hor, oo ay isu diyaarinayeen weerarka,waa sida uu ku andacoodaye,balse vladamir Putin waxa uu leeyahay warkaasi waa mid waxba kama jiraan ah oo xaqiiqda ka fog.