Maleeshiyo ONLF Ah Oo Hargeysa Ku Khaarijisay Askari Ka Tirsan Sirdoonka Kilinka 5-Aad Ee Itobiya
Monday - September 2, 2013
Xigasho Waaheen-Hargeysa- Warar hoose oo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in koox ka tirsan Jabhadda ONLF Hargeysa dhexdeeda goor fiid ah oo ku beegnayd toddobaadkii hore ku toogteen Askari ka tirsan Sirdoonka Madaxweynaha Kililka Shanaad Cabbi Maxamud Ilay.
breaWararka Waaheen soo gaadhaya ayaa sheegaya in ninka Sirdoonka Kililka ka tirsanaa ee la Dilay magaciisa la odhan jiray Nadiir, kaasoo u qaabilsanaa in uu wararka la xidhiidha ONLF ee ay Hargeysa gudaheeda ka wadaan kooxahaasi, kuwaas oo ay Eheladoodu degan tahay Somaliland.
Nadiir waxa ay Warar Waaheen ka heshay Ilo xogogaal ah oo ka gaabsaday sheegeen in hore Xukuumadda Somaliland ugu gudbisay Dalka Itoobiya kadib markii lagu Eedeeyay in uu ka tirsan yahay Kooxda ONLF ee Itoobiya Mucaaradka ku ah, balse muddo kabacdi la soo daayay Somaliland-na dib ugu soo noqday isagoo dib loo soo hawl-geliyay.
Goor abaara Toddobadii Fiidnimo ahayd ayay koox af-ka Duubatay oo aan ilaa hada la qabanini ku fureen rasaas isagoo socda xaafadda Siinaay (Dunbuluq) halkaas oo ay ku haleeshay Afar xabo oo ay kooxdaasi la liishaantay, waxana markii dhaawaciisa lala cararay uu isla markiiba u geeriyooday rasaastaas.
Ciidamadda Booliiska Somaliland oo goobta shilku ka dhacay u gurmaday kumay guulaysan in ay soo qabtaan Gacan ku dhiiglayaashii falkaas fuliyay, ilaa hadana kamay hadal dhacdadan oo ah mid UGUB ah oo aan hore Somaliland uga dhicin.
Warar is khilaafsan ayaa markiiba Suuqa la soo galiyay oo la xiriira Hawlaha uu ku foognaa Nadiir hase yeeshee ilaa hada ma jirto cid si cad u og falka loo Dillay marka laga reebo wararka ugu shilis ee sheegaya in uu ahaa nin caan ah oo ku jiray hawlo basaasnimo oo lidi ku ah Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha Kililka Shanaad Cabdi ilay, kuwaas oo intoodii badnay u gacan gashay maamulkiisa.
Wargeysa Waaheen oo isku dayay xaqiiqo intan ka badan waxa uu la xiriiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeya Guuto C/laahi Fadal Iimaan, hase yeeshee muddo ku dhaw afar cisho oo aanu si joogto ah ula xiriirnay wuu ka gaabsaday in uu wax war ah ka bixiyo dhacdadan.
Dhinaca kale waxa soo badanaya dilalka qorshaysan eek a dhacaya xaafadda Dunbuluq kuwaas oo qaarkoodna loo hayo dadkii gaystay halka qaarkoodna aan ilaa hada Booliisku ku guulaysan, waxaana ugu danbaysay dhacdo Xalay lagu khaarajiyay Marxuum magaciisa lagu sheegay Cumar Baraf, kaasoo xabad laabta lagaga dhuftay.