Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dr. Hailemariam Desalegn: Welcome Our Man In Garowe

Tuesday - September 3, 2013

Addis ababa- Ra’isul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Hailemariam Desalegn ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda  Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, waa sida ay baahisay Madaxtooyadda Puntland.

Kulankani waxaa lagaga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u  dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan  Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka  Soomaaliya iyo maamulka Jubaland. Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo   dhaqaalaha si Mandaqaddu u horumarto.

Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farole ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa , iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Dhinaca kale, Raysal Wasaaraha Itoobiya waxa uu Heshiis laba dhinac ah ka dhex abuuray Dawladda Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland kuwaasoo khilaaf ba’ani ka dhex taagnaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Maamul Goboleedkaasi.

Farroole ayaa taageersanaa Maamulka Jubbaland waxaanu si weyn uga soo horjeeday Xukuumadda Federalka ah oo uu xataa Wada shaqayntii ay lahaayeen gooyay, balse kulanka uu la yeeshay raysal wasaaraha Itoobiya mawqifkiisii wax weyn baa iska badalay durbaba.