Minaarad Dheerarkeedu Yahay 20 Mitir Oo Marki Ugu Horeysey Laga Taagayo Masjid Ku Yaal Dalka Denmark
Wednesday - September 4, 2013
Danamark: Minaaraddii ugu horraysay Danmark ayaa maanta laga taagayaa masaajidka wayn ee baaxaddiisu dhan tahay 6.8000 mitir oo labanlaab ah, kaasoo laga dhammaystiray jidka Rovsingsgade ee xaafadda woqooyi galbeed ee kobanheegan .. Minaaradu waa mid dhuuban oo cad, dheerarkeeduna yahay 20 mitir, oo dusha ku leh bil
Iyadoo dhismahani yahay kii ugu horreeyay noociisa, ayaa ururka Dansk-Islamisk oo ka danbeeyay dhismahani aanay ku guulaysan keli dhismaha masaajidkii ugu horreeyay ee dalka laga dhiso, balse waxay sidoo kale ku guulaysteen inay taagaan minaaraddii ugu horraysay, taasoo ah halka eedaanku ka baxo dalalka muslinka , Laakiin sida dalalka muslimiinta looga eedaami maayo subaxdii, ayuu yiri guddoomiyaha dhinaca saxaafadda ee ururka Dansk-Islamisk Mohamed Al Maimouni:
Wuxuu Yiri:Ma habboona in laga eedaamo Danmark. Minaaraddu waxay la qoob-wadaagtaa bulshada ay ka dhex taagan tahay, iskuna mid maaha minaaradda Danmark iyo tan ku taal Morocco ama Masar. Sidoo kale wax diiqad ah gelin maynno deriskayaga.
Teeda kale shuruudda uu minaaradda ku oggaaladay golaha deegaanka Kobanheegan ayay ka mid ahayd, in aan laga eedaamin.
Masaajidka oo ku yaal Danmark darteed, dhismihiisu waa naqshadaha deenishka: Halkii qurxinta badan, farshaxanka kala duwan iyo qaababka joomateri ee lagu yiqiin masaajidada dalalka muslinka, ka Rovsingsgade wuu siman yahay, waxana uu leeyahay xarriijimo isku naban oo ku yaal sallax cad.
Minaaradda ayaa sidoo kale naqshadeedu tahay naqshadaha iskandaneefiyanka: way caddahay, way fududahay, habeenkiina way iftiimaysaa dushana waxa saaran bil, taasoo ah calaamadda keli ah ee islaam ee ka muuqata.
Ururka Dansk-Islamisk Råd ayaa filaya, in rasmi ah loo furo masaajidka muddo dhawr bilood gudahood ah.