Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Aqalka Senat-ka Ee Mareykanka Oo U Fasaxay Madaxweyne Obama Inu Weeraro Suuriya

Wednesday - September 4, 2013

Washington-Xubnaha aqalka Senate-ka ee Maraykanka ayaa oggolaaday qaraar qabyo ah oo u gudbiyey madaxwayne Obama kaas oo u fasaxaya in uu maraykanku weeraro dalka suuriya,Qaraarkan waxaa u dhiman in si rasmi ah ay u ansixiyaan golayaasha sharci dejinta ee dalka Maraykanka.

Waxaana Arrintan la filayaa in loo codeeyo toddobaadka soo socda Hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee golayaasha baarlamaanka, John Boehner, oo sheegay in uu taageersan yahay tallaabada militeri oo uu madaxweyne Obama doonayo in uu ka qaado Suuriya.
Boehner ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanku farriin digniin ah u diro Suuriya si aysan u adeegsanin hubka kiimikada ee haatan lagu eedaynayo in ay adeegsatay .. Obama ayaa sheegay in uu doonayo in Suuriya uu ku qaado weerarro kooban oo lagu wiiqayo awoodda ciidammada madaxweyne Bashar Al Asad.

Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa lagu eedeynayaa in uu hubka kiimikada ah uu u adeegsaday dadka reer Suuriya.
Laakin qaraarkan qabyada ah waxa uu mamnuuc ka dhigaya in ciidammada dhulka ee Maraykan galaan dagaalka