Kooxo Al-Shabaab Ah Oo Xalay Si Is Maqiiq Ah Mogdisho Ku Huriyey Rasaas Iyo Qaraxyo Taxana Ah
Thursday - September 5, 2013
Mogadisho: Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa hal mar xalay ku baraarugay qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay xaafadaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo isugu jiray bambooyinka gacanta laga tuuro iyo hoobiyaal ayaa waxaa meelaha qaraxyada laga maqlay ka mid ahaa KM4, Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Wadooyinka Sodanka iyo Wadnaha iyo goobo kale.meelaha qaar sida la sheegay waxaa ka dhacay is-miidaamin qof watay baabuur ayaa isku qarxiyay xaafadda KPP ee degmada Hodan sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Ma cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.hasa ahaate boliska gurmadka oo cagta cagta u saaray, dagaalna ku balaarshay kooxihi argagixisada ayaa la filaya iney dhawaan soo saari-doonaan natiijadi hawlgalkoodi xalay
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarada, waxaana war ay soo dhigeen barta Tweeterka ay ku sheegeen in ay caawa weereen magaalada Muqdisho.