Raiisal Wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Iyo Wafdigi La Socday Oo Soo Gaaray Jibuuti
Friday - September 6, 2013
Wafdiga ra'iisal wasaaraha ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda dalka Sucuudiga, halkaasoo maalmahan ay ku sugnaayeen.
Raisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee jibouti kusoo dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah ku-simaha Raisul Wasaaraha dalka jibouti Mudane Cali Faarax Casoowe Cali Cadnaan, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka jibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen Guulwade iyo Masuuliyiin kale oo Dawladda jibouti ka tirsan.
Raisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyo, Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Wasiir ku-xigeenka Khayraadka waxana dalka jibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan- doonaan madaxda dalka jibouti qaar kamid ah, waxana ay ka wada hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga.
Waxaan ku faraxsanahay in aan mar kale booqasho rasmi ah ku soo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee jibouti oo arrimo badan aan iska kaashan doonno sida Dib-u-dhiska, Amaanka, Siyaasadda iyo Ganacsiga ayuu yiri Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
Afhayeenka Raiisul wasaaraha Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa sheegay in ra'iisal wasaaraha iyo Xubno ka tirsan Xukuumaddiisa ayaa booqashadan rasmiga ah ee dalka jabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dalka Yemen.