Daily: Mohamed Is Now The Top Name For British Babies
Sunday - September 8, 2013
London-Caruurta ku dhalata dalka Ingiriiska ayaa magacyada loo bixiyo waxa meel sare ka galay magaca (Maxamed) oo dhawaanahanba noqoday magac loo bixiyo inta badan caruurta ku dhalata dalka Ingiriiska gudihiisa,gaar ahaan caruurta ay dhalaan qoysaska Muslimka ah ee ku nool dalkaasi siiba wiilasha,warbaahinta dalkaasi ayaa usbuucyadii la soo dhaafay si wayn u qaadaa dhigaysay arrintan.
Wargeysk afka dheer ee ka soo baxa dalkaasi Ingriiska ee Daily News ayaa warbin dheer ka qoray arrintan wargeyska oo sheegay in uu dhawaanahanba ururinayey isla markaana u kuur galayey ayaa waxa uu sheegay in caruurta ku dhalata gudaha dalka Britain gaar ahaan qoysaska muslimiinta ah ay u badkood ay dhalaan u bixiya magacan Maxamed.
Wargeyska oo inta badan xogahan ka soo xiganaya meelaha cusbitaalada ee ay caruurtu ku dhalato iyo waliba goobaha waxbarasho ayaa intaasi ku daray in halkii qoys ee Muslim ah ee degan dalka Ingiriiska mid ka mid ah caruurtooda la yiraahdo magacan (Maxamed) gaar ahaan dhinaca wiilasha .. in kasta oo aanuu wargeysku warbixintiisa ku cadayn in caruurta aan muslimka ahayn loo bixiyo magacan balse waxa uu leeyahay waxa jiri kara qoysas aan muslim ahayn oo u bixiya ubadka ay dhalaan sidan oo kale isla markaana ku sababeeyay sababta keentay in magacan Maxamed Islaamka oo meela badan oo ka mid ah qaarada yurub iyo qaarado kaleba ku sii fidaya.
Si kastaba ha ahaatee magaca Maxamed ayaa ah magac bulshada Muslimiinta dhex deeda maamuus iyo qadarin ku leh ahna mid ka mid ah magacyadii Nabigeena Suuban( NKH).