Gabadha Erna Solberg Ee Hogamisa Xisbiga Midig Oo Afrta Sano Soo Socota Hogaamin-doonta Dalka Norway
Tuesday - September 10, 2013
Oslo Doorashadii dalka Norway oo maanta ahayd maalintii ay dadweynaha dalkani u coddeynayeen gole baarlaman oo cusub iyo doorashada xukuumadii dalka maamuli lahayd Afarta Sanno ee socda, ayaa soo gabo-gabowday caawa sagaalkii habeenimo xilliga dalka Norway. Xogta ka soo baxeysa natiijada doorashadaa, ayaa waxa ay tilmaamaysaa in ay isbaheysiga garabka midig ku guulaysteen aqlabiyada golaha baarlamanka cusub, taas oo u suurto gelinaysa hogaaminta dawladda Afarta Sanno ee soo socda hogaamin doonta dalka Norway.
Waxaana Afarta Sanno ee soo socda raysal wasaare u noqon doonta dalka, gabar la yidhaahdo Erna Solberg oo ahayd hogaamiyaha xisbiga midig Høyre party Taas oo xisbigeeda u suurta gelisay in ay talada hogaaminta dalka Norway dib ugu soo noqdaan 28 Sanadood kadib.
Raysal wasaaraha xilka ka degaya Jens Stoltenberg oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha, ayaa xarunta xisbigiisa caawa ka caddeeyey in xisbigiisa iyo isbaheysigii ay dawlada wadaaga ah ku wada jireen laga guulaystay. Waxaana uu u hambalyeeyey gabadha noqon doonta raysal wasaaraha cusub, guushii uu xisbigeedu kasoo hooyey doorashadii maanta. Waxaana uu isla goobta kaga dhawaaqay xilliga uu talada dalka Norway ku wareejinayo raysal wasaaraha xilka kala wareegi doonta Erna solberg.