Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Itoobiya Oo Si Ula Kaca U Baajisay Duulimaadyadi Ethopian Airline Ay Ku Imaan Jirtay Hargeysa

Wednesday - September 11, 2013

Hargeysa - Wasaaradda Duulista hawadda Somaliland ayaa shirkadda Ethopian Airline ku eedeysay inay baajisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland iyadoo dad badan oo rakaab ahi sugayaan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkadda Ethopian Airline ay masuul ka tahay dhibaatooyinka dadweynaha ka haysta, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray madaxa baratakoolka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Cabdilaahi Axmed Caarshe.

War-saxaafadeedka waxuu sheegay “Diyaaradda Ethiopian Airline waxay hakisay duulimaadyadeedii Hargeysa, iyada oo aan cadayn sababta ay u baajisay duulimaadyadeeda, sida aynu wada ognahay Somaliland waxaa ka jirta nabadgelyo buuxda oo aan ka jirin wadamo badan oo ku yaalla geeska iyo kuwa caalamkaba, nabada Somaliland ka jirta ayaa ah mid cid waliba isku halayn karto taasi oo aan marnaba shaki iyo mad-madaw geli-karin.

Waxuu intaa raaciyey oo yiri: Xukuumaddu marnaba aqbali mayso in la dhibaateeyo dadka dhoofayaasha ah waana masuuliyadda ay u igman tahay Wasaarada Duulista oo qaranka uga wakiil Madaarrada iyo arrimaha duulimaadyada oo dhan, arrintan eedeedana waxaa iska leh Ethiopian Airline oo ah diyaarad ganacsi Somalilandna ka hesha faa’iido aad u badan mana jirto ammaan xumo ka jirta Somaliland.

Arrintan diyaarada Ethiopian Airline waxaa dalka Itoobiya u tegey wefti ka socda maamulka Somaliland uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cade uuna ka mid yahay Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaaashi Cabdi, waxaana arrintan lagu dhamayn doonaa heer Diplamaasideed si loo sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dalka ee Somaliland iyo dawladda Itoobiya ee jaarka ah.