Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Meydkii Abuu Mansuur Al-Amriki Iyo Osman Al-Britain Oo La Keenay Degmada Baardheere

Thursday - September 12, 2013

Baardheere: Wararka laga helaayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan in halkaasi la keenay meydadka Abuu Mansuur & Osama Al-Britain iyo Nin Yamani ah oo nolol lagu qabtay la jaal ahaa ragaas la khaarajiyey, halkaaso Ciidan xoogan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa iyagu soo gaarsiiyay meydadka raggaan Degmada Baardheere, oo ay ka arrimiso Al Shabaab.
 
Waxaa la arkaayey Gawaari badan oo ay saaran yihiin Ciidan fara badan oo Shabaab ah, iyadoo ay la socdaan gaadiidka lagu siday, meydadka Abuu Mansuur & Osama Al-Britain.

Wararka la xaqiijiyay ayaa sheegaya in qalabkii laga furtay abuu mansuur u ahaa Hal milyaan oo Dollar, waxaa kaloo gacanta lagu haaya docomentiyo ID cadeynaya dhalashadooda.
 
Raggaan la dilay ayaa waxay horaantii sanadkaan ay ka baxayn garabka Amiirka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), waxayna ku biirayn garabkii Sheekh Xasan Daahir Aweys, markii ay kala irdhoobeen.
 
Abuu Mansuur Al-amriki oo horey Shabaabka ugu qaabilsanaa dhanka tababarada iyo dacaayadaha, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay eedeymo xoogan Warbaahinta u soo marinaayay Amiirka Al Shabaab.