Sababta Looga Badiyey Reer Galdogob .. Reer Gaalkacyo
Friday - September 13, 2013
Shirkad Reer Jabaan ah iyo shirkad Mareykan ah ayaa ku heshiiyey in ay ku tartamaan laba Huuri oo la dhex marinaayo Webi .. shirkad waliba koox ayey u soo soocday tartankii tababar weyna wey u siisay inti aan tartanka bilaaban.
Tartankii ayaa bilaabmay, waxaana badiyey shirkadi Jabaanka .. Shiirkadi Mareykanka ahayd aad bay uga xumaatay tacab khasaaraha ku dhacay kooxdeedi, waxayna go'aansatay in baaritaan lagu sameeyo sababta looga badiyey.
Guddi xulan iyo kuwa ka kooban maamulka sare ee shirkada ayaa baaritaankii waxa fashalka keenay loo saaray .. Guddigi markay baaritaankii dhameysay warbixin bey soo gudbiyeen sidatan ah:
1- Warbixinti waxay ku muujiyeen in Huurigi Jabaanka iyo Huurigi Mareykanka laba hab oo kala duwan loo waday
2- Huuriga Jabaanka waxaa ku joogay Sideed Wade iyo Hal Hogaan.
3- Kan Mareykanka waxaa isna ku joogay Sideed hogaan iyo Hal Wade.