Wasiirada XukumadaTumaalkii Miinada Qarsaday Isku Qarxiyey
Friday - September 13, 2013
Akhristayaasha qiimaha iyo qadarintaba mudanow aan idinka sheekeeyo sheeko yar oo macno ku fadhida
oo ku saabsan nin reer miyi ah oo reer JIGJIGA AH.
Beribaa waxa dhacday nin reer jigjiga ah ayaa waxa uu helay bir cad oo dhalaalaysa oo aanu
hore u arag waxa ay la noqotay in ay u noqon doonto waran caaqiibo leh, kadibna waxa uu ula
tagay nin tumaal ah ka dibna waxa uu ka codsaday inuu uga sameeyo waran.
intaa ka dib ninkii Tumaalka ahaa waxa galay hunguri ah inuu ka sameeyo laba waran si uu mid ahaan uga faaiido
ka kalana u siiyo ninkii lahaa .. Ninkii tumaalka ahaa waxa uu u yeeray wiilkiisiii si uu ugu buufiyo haamaha naqaska oo uu caawiyo waxa dhacday in ay birtu tahay miino balse aanu midkoodna garanayn bambadii way qaraxday wiilkii yaraana wuu ku dhintay.
Dabadeed waxa la waydiiyay halka uu ka keenay bambada waxaanu sheegay ninkii u keenay iyo sababtiiba.
Waxa la waydfiyay ninkii birta soo helay waxaanu ku jawaabay waan u dhiibay waxxanse ku iri halkaa ii dhig maanse oran dab gali.
Guntii iyo gebagebadii maqaalkaygan akhristayaal arintan genel energy miyaanay ahayn taa tumaalka
marka loo eego sida ay xukuumadeenu u qarsatay heshiiskii ay la gashay shirkadaa iyo waxa ka soo baxay xukuumada somaliya way ku khasbantahay inay dadka usoo bandhigto wixii dhacay