Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihi Baanka Dhexe Ee Somaliya
Saturday - September 14, 2013
Muqdisho- Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Somaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobalka Awdal.
Xasan Sheekh, ayaa Arbacadii xilka ka qaaday masuulkan, waxaana xil ka qaadistiisa lagu xiriirinayaa eeddo musuq-maasuq oo ay guddiga dabagalka Somaliya ee Qaramada Midoobay dhawaan u jeedisay Mr. Hadliye iyo masuuliyiin kale oo dawladdaas ka tirsan.
Geesta kale, wuxuu Madaxweynaha Somaliya xilkan u magacaabay haweenay magaceedu yahay Yusur Aadan Faarax, oo iyaduna dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland. Yusur ayaa horay uga soo shaqaysay Baanka Citibank ee caalamiga ah.