Afhayeenka Ahlu Sunna Oo Damiin Lagu Soo Daayey Iyo Sababta Loo Xiray
Monday - September 16, 2013
Mogadisho: Afhayeenka ururka Ahlu Sunna wal-jamaaca Shiikh Cabduqaadir Soomoow ayaa maanta xabsiga laga soo daayey kadib markii uu xarunta CID boliska ku xirnaa muddo dhawr saacadood ah.
Shiikh C/qaadir kadib markii la soo daayey ayuu sheegay inu ku xirnaa amar uu bixiyey madaxweynaha Xasan Shiikh, balse iminka lagu soo daayey Damiin .. Damiintaas oo xilkeeda qaaday guddoomiyaha majmaca culumada somaliyeed shiikh Bashiir Axmed Salaad sidaasna u shiikh Soomoow banaanka ku yimid xuriyadiisana ku helay.
Shiikh Soomoow waxaa la weydiiyey sabata loo xiray balse wuxuu sheegay inuusan garaneyn sababta loo xiray, hasa ahaate warar xog ogaal ah ayaa laga xigtay in sababta loo xiray ay la xariirto kadib shirkii looga hadlaayey xagjirnimada uu ka sheegay in Ururka Shabaab iyo dawlada fadaaralka somaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo gacan saar leeyihiin.