Shirka Somaliya Ee Brussels Oo Furmay Iyo Lacagaha Loogu Yaboohay Oo Hal Bilyan Euro Gaareysa
Monday - September 16, 2013
Brussels-Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumar ay ku tallaabsato Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ka qayb-galay shirka oo lagu sameynayo qorshe lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya iyo nidaam siyaasadeed oo degan.
Dowladda Britian ayaa iyadu si gooniya ugu dhawaaqday yabooh lacageed oo dhan 79 milyan, taasoo qayb ka noqonaysa yahoobaha dhaqaale ee loo ururinayo dib u dhiska Soomaaliya .. Madaxda Reer Yurub ayaa ku rajo weyn in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadda uu ka jeediyay shirka wuxuu ku sheegay, in Soomaaliya ay ka baxayso xilli dhibaato badan ayna xilligan jirto rajo weyn, isagoo beesha calaamka ka dalbaday inay Soomaaliya gacan ku siiso sidii ay dib ugu dhismi lahayd.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada dib u heshiisiinta, cadaaladda, arrimaha siyaasadda, dib u habeynta garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.