Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Jubaland: Reer Baydhabow Dheedheelka Iyo Caashaqa Kala Daaya

Tuesday - September 17, 2013

Baydhabo: Wefdi uu horkacaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay gaareen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay .. Afhayeenka Baarlamaanka iyo wefdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey odayaasha dhaqanka ee degaanka iyo qaybaha bulshada ee ku dhaqan baydhabo iyo nawaaxigeeda

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Maxamuud Xasan Aadan iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Ibraahim Isaaq Yarow, ayaa kamid ah Wasiirada gaaray Magaalada Baydhabo.
 
Sidoo kale Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa kaloo maanta tagey ilaa 60 Xildhibaano, oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya ee Deegaanka.
Shalay ayay ahayd markii Odayaasha beelaha Digil & Mirifle, ay muddo laba cisho ah ay u qabteen, inay dib ugu soo laabtaan Magaalada Baydhabo Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, ee iyagu matala.
 
Sida laga warqabo maalmahaan oo dhan waxaa baydhabo ka socda qamaqaamo talo lagu doonaayo in halkaas laga dhiso maamul goboleedyo ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose iyo Jubaland, lamana garanaayo sababta iyo qiilka ay u haystaan iney Jubaland raacdo, hasa ahaate bulshada reer jubaland oo warkaas iska xaal siiyey ayaa jawaabtooda laga haya " Reer Digil iyo Miriflow been iyo blah-blah way isa soo gabeen halkiina ku ekaada oo Dheedheelka iyo Caashaqa kala Daaya"