Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Turkiga Waa Dalka Kaliya Ee Ka Dhabeeyey Inu Caasimada Mogdisho Ka Caawiyo Dib U Dhiskooda

Wednesday - September 18, 2013

Muqdisho: Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka wada dhismooyinka waddooyin laami ah.
Waddooyinkan oo burbursanaa 22-kii sano ee la soo dhaafay ayaa hadda la saaray laami casri, waxaana inta badan howsha wada shaqaale Turki iyo kuwa Soomaali ah.

Wadooyinka la dhisaayo waxaa ka mid ah tan isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho .. Turkiga waxaa magaalada mogdisho uu ka dhisay Isbitaal, goobo waxbarasho iyo xarumo dadka lagu Quudiyo wuxuuna dhawaan dib dhis iyo habeyn ku sameyn-doonaa Airaboorka Mogdisho, isla markaana wuxuu hadda gacanta ku haya dhisma cusub oo loogu tala galay xaruunta golaha barlamaanka

Qaar ka mid wadayaasha baabuurta iyo guud ahaan dadka shacabka ayaa soo dhaweeyay, waxaana ay dowladda Turkiga ugu baaqeen in ay sii labo jibaarto howlaha dib u dhiska dalka.

Turkiga waa dalka kaliye ee ka dhabeeyay inuu ka caawiyo Soomaaliya dib u dhiska dalkooda oo colaado iyo abaaro ay dilootay.