Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Jeneralkii Talaabadu Qaaday La Wada Macaashay .. Ku Daysho Tusaale Iyo Tusmo Fiican Leh

Thursday - September 19, 2013

Dawladi Shiinaha ee hore mid ka mid ah ayaa sidi Soomaliya kala daadatay oo noqotay dawlad faashil ah .. Burburkii dawlada waxaa dadkii ugu darsamay abaaro iyo duufaano is daba jooga .. Cunadi ayaa yaraatay dadkiina gaajo iyo macaluul ayaa ku habsatay waxaana xigay xili Tiih, qas iyo qalalaaso sidi Yoomi-Qiyaamihi Al-Shayaadin

Dadkii maatada ahaa gaajadi iyo macaluushi awgeed waxay noqdeen caato miiqan oo caday ka dhuuban, waxaa ugu darsamay qoor-gooyo joogta ah, cuduro, barakac, dhalan-dhool, burcad iyo tuugo dhac iyo dil la dhex gashay .. rajaa samirtay oo xaaladi waxay gaartay in laga Quusto in noloshi markale caadi ku soo noqoto.

Dadkii iyagoo Quus jooga, ayaa wixii iyo waayeel is helay ka shireen halka ay gaartay sheekada .. Nin Sarkaal waayo arag ahaan jiray oo kalsooni weyn lagu qabay ayey hogaamiye u doorteen oo uu xil saareen inu dalka ku soo celiyo nabadgalyo, xasalooni iyo maamul kala dambeyn iyo haybad leh.

Hogaamiyihi oo godintiisi soofeystay wuxuu hawshiisi ka bilaabay inu uu ciidan amaanka suga dhiso .. Xayeysiis ayuu u sameeyey ciidanka u doonaayo in u dhiso, wuxuuna u kala qaaday sadex heer oo kala sareyna uu yeelay:

1- Heerka ugu sareeya waxuu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin dad-dil iyo Burcad waxaanu ka dhigay madaxdi u sareysay ciidanka, mushaaradiina ugu badneydna wuu u qoray.

2-Heerka labaad wuxuu ka dhigay wixii qirtay in ay yihiin Tuug, oo darajadi iyo mushaarkii labaad lagu qaatay.

3- Heerka sadexaad ee ciidankana waxay noqdeen dhul-jiifkii gurdan raacay burcada iyo tuugta oo noqday askarti ciidanka, mushaaradi u hooseysana loo qoray.

Muddo bil ku siman ayaa taliyihii arinta loo xil saaray dhisay ciidan Laba kun askari u dhaw,oo siiyey tababaro dhawr nooc ah oo isugu jira dagaalka gaadmada iyo weerarka oo u badan qaybaha Orodka ee kala duwan, sinsaarada la is xambaareeyo, iyo tab dhexaadka la isku Qabsado. kadibna ciidankii ayuu habeeyey oo ciidan is haysta oo rasmi ah ka dhigay oo siiyey magacyo " Askarti Gobanimada" " Wadkii Dili-lahaa Mooryaanta" .. Markuu ku Qancay inu ciidanka gaarsiiyey halka la doonaayey ayuu soo tubay oo si aftahanimo ah ula hadlay, wuxuu ku yiri: Ummadeena dhibaateysan inaan garab siino waa noo gudboontahay .. wixii dambi hore aad Qof Qof u geysateen waa laydin ka saamaxay, mar dambana laydin raacan-maayo, hasa yeeshe waa inaad ka toobad keentaan iskana mayrtaan dambiyadi aad Qaranka ka gasheen, si aad dambiyadi isaga mayrtaan waa inaad burcadi iyo tuugadi saaxiibadiina soo qab-qabataan haddi ay idin diidaana dood ha u celin, hana la dacwin ee laaya.

Ciidankii Qorshihi taliyihu u dajiyey ayey si dhaba ah u fuliyeen, waxayna ku guuleysteen mudo sanad gudihi iney mooryaanti godad-kooda ugu galan laayaan saaxiibadood oo ciribtiraan burcadi iyo tuugadi, kadibna dadkii heleen nabadgalyo ay ku diirsadaan, xasilooni iyo maamul dawladeed iyagoo wixii dhacay iyo habkii looga samata-baxay taariikh ahaan jiilba jiilka ka dambeeya ay u si tilmaami-doona.