Shirkada Itoobia Airlines Oo Duulimaad Cusub Ka Bilaabeysa Mogdisho
Thursday - September 19, 2013
Mogadisho- Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay iney dib u soo celineyso duulimaadyadii ay diyaarada Ethiopian Airline ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya .. safiirka dalka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho C/casiis Axmed Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in diyaarada caalamiga ah ee dalka Itoobiya ay duulimaadyo ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho muddo dheer kadib.
Danjiraha ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay goaansatay in xiligan ay dib u bilowdo duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ka hor burburki dalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in dadku ay ka raysan doonaan safarka dhanka dhulka ah ama sida dad badan ay dadku ugu kala gooshaan magaalooyinka Muqdisho iyo Addis ababa.
Safiirka wadanka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho C/casiis Axmed ayaa meesha ka saaray mar la weydiiyey in goaankani uu ka danbeeyey isbedelka dhanka hogaanka ah ee ka dhacay wadanka Itoobiya xili dhawaan uu geeriyooday R/wasaarihii dalka Itoobiya Melez Zenaawi wuxuuna tibaaxay safiirku in arintani looga gol leeyahay adkeynta xiriirka labada dal.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya diyaaradaha caalamiga ah ee duulimaadyada ka samaynaya Muqdisho 22 sano kadib waxaana kamid ah diyaaradaha hada ka hawlgala garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho diyaarada caanka ah ee Turkish Air iyadoona wadamada Masar,Iiraan Ciraaq iyo Yemen ay ka dhawaajiyeen in diyaaradahoodu ay duulimaadyo ka bilaabayaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.