Saaka Waxa Ka Dhacay Nairobi Iyo Aafadi Al- Shabaab Oo Sheegatay Masiibada Weerarka
Saturday - September 21, 2013
Nairobi - Ugu yaraan 40-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 50 kale oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhaawacmay markii kooxo wajiga soo xirtay soo galeen suuq ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi.
Saraakiisha booliska waxa ay sheegeen in lagu guuleestay hal meel in la isku geeyo kooxda weerarka soo qaaday oo weli ku jiran dhismaha Moolka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxda weerarka soo qaaday ay dhismaha afduub ahaan ugu heestaan dadkii ka dukumeesanaayay suuqa.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay xirnaayeen dharka ciidamada ammaanka Kenya waxaana ay rasaas ay ku fureen suuqa oo xilligaas mashquul ahaa isla markaana ay ka dukaameesanayeen dadka u badan kuwa ladan.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa dhowr saac gudaha ugu jiray dhismaha suuqa oo ku yaala goob caan ah, oo ay ka dukaameestaan diplomaasiyiinta iyo dadka ajaaniibta ee ku nool Kenya.
Rasaas ayaa in muddo ah ka socotay goobta la weeraray, waxaana ciidamo badan la soo dhoobay goobta kuwaasoo xabado is weedaarsanyay kooxda weerarka soo qaaday.
War hadda soo dhacay wuxuu sheegayaa in Kooxda Al-Shabaab ay sheegatay weerarka ka dhacay Nairobi