Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

M/weynihi Xilka Xooga Looga Qaaday Mr. Mursi Oo Qooyskiisa Uu Sheegay In Uu Ku Dhimanaayo Fikirkiisa

Monday - September 23, 2013

Qahira-Madaxweynihii xilka xoogga lagaga qaaday ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa mar uu dhowaan qoyskiisa talefanka kala soo hadlay waxa uu shegay in uu ku dhimanayo mawqifkiisa ah in hal-adayg ku taagnaanayo illaa maalinta uu dhimanayo.
Wakaaladda wararka ee Anadolu agency oo laga leeyahay dalka Turkey ayaa iyada oo soo xiganaysa qof ka mid ah qoyska Mursi oo magaciisa qariyey, waxa ay sheegtay in madaxweyne qoyskiisa lagala soo hadashiiyey talefan lambarkiisu aanu soo baxayn, ereyada uu yirina waxaa ka mid ahaa, “ Waan hal-adaygayaa illaa daqiiqadda ugu dambaysa ee noloshayda” Waxa kale oo uu madaxweyne Mursi u sheegay qoyskiisa in uu si fiican warbaahinta ugala socdo guud ahaanba xaaladaha dalka, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yiri, “Si fiican ayaa aan ula socdaa tafaasiisha arrimaha dalka ka socda oo dhan”
In kasta oo aan la sheegin taariikhda uu Madaxweyne Mursi la soo hadlay qoyskiisa, haddana waxaa la xaqiijiyey in xaaladda nafsiga ah iyo niyadda Md. Maxamed Mursi ay aad u sarrayso.