Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dagaalo Culus Difaac Iyo Keeb La Yuurar Oo Weli Maalinti Afraad Ka Socda Westgate Mall Nairobi

Tuesday - September 24, 2013

Neirobi -Dagaallo culus oo difaac iyo keeb la yuurar jilbaha laysugu aastay ayaa maalintii 4-aad si toos ah uga socda dhismayaasha Westgate ee bartamaha magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya oo maalmo ka hor ay ciidamo Shabaab katirsan xoog ku galeen.

Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa xaqiijinaya in ciidamada Dowladda Kenya oo ay kaabayaan ciidamo Yahuud iyo Mareykan ah ay weli foodda geli laÂ’yihiin dabaqyada 5-aad iyo 4-aad oo ay saaranyihiin ciidamada Xarakada Shabaabul .

Wariyaal ka tirsan BBC-da oo ku sugan Westgate ayaa soo sheegay rasaas teel teel ah laga maqlayo dhismayaasha xarunta waxaana fashilmay isku day ay Kenya iyo xulufadeeda ku doonayeen in ay xoog ku ku soo furtaan dadka laga heysto, balse militeriga dalka Kenya ayaa ayaguna dhinacooda sheeganaya in ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku heynta goobtaas.