Waa Maalin Xus Iyo Xasuus Ah..Taaladi Sayidki Adoonsiga Nebcaa M. C. Xasan Oo Laga Taagay Jig-Jiga
Wednesday - September 25, 2013
Jig Jiga- Waxaa maanta si rasmi ah magaalada jig-jiga ee xarunta Soomaalida Ethiopia laga taagay Taalo Xasuusaayo Hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Deegaanka Soomaalida Ethiopia
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa guud ahaanba ahaa nin halyey ah oo aad looga yanqaano degaanada ay Somalidu degto isgoo guud ahaan dalka Somaliyeed ka dagaalamayey mudo ka badan 21 sano, wuxuuna halgankiisu la xiriiray in aan dalka Soomaaliyeed la guumaysan .. halgan dheer oo hubaysana ayu u galay sidii uu dalka Soomalida uga Hor joogi lahaa gumaystayaashii Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.
Allaha ha u Naxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa uu 23 November, 1920kii ku geeriyooday Deegaanka iimeey isagoo Wakhtigaasi ahaa Hogaamiyihii Daraawiishta.
Taaladan Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Xukuumada DDSI ayaa samaynteeda waxay u hurtay lacag badan iyadoo lagu soo farsameeyey magaalada Dubai ,waxaana iyana xarun loogu magac darayo Sayidka iyana laga Hirgalindoonaa deegaanka iimay .. dadweynaha ku dhaqan magaalada Jig-jiga ayaa si mashaxradeysan taaladani ugu dabaal dagay iyagoo intii la taagayey ay ag-tubnaayeen .. waa maalin jiilashi hore u ah xus iyo xasuus .. jiilasha dambana u ah dhiiragalin, yididilo iyo Rajo.