Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

WiKiLeaKs..Sirta Niman Walwaala Iyo Ubucdi Xogta Qarsooneyd Oo Goldogob Times Banaanka Soo Dhigtay

Thursday - September 26, 2013

 Mogadisho- Inta Hadal Duulo, Haad Ma Duusho .. Warar maalmahaan duul duulaya oo run iyo been kolba dhan isula diilaamaya aan daba la qabto lahayn balse u muuqata ubuc qarsooneyd oo banaanka la soo dhigay ayaa sheegeysa in dabayaaqadi bishi August uu kulan gaara saacdo qaatay u dhex maray madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raiisal wasaarihiisa Cabdi Faarax Shiirdoon, kulankaaso sida la carbaabay iyadoo ilkaha la isu cadeynaayo la isula yimid carab dalab leh, calool weecsan iyo xarig uu midba dhinac u jiidaayo
 
Madaxweyne Xasan shiikh ayaa si bareer ah diirka uga qaaday raiisal Wasaare Cabdi Faarax inu xilka iska casilo si dawladiisa taayarada uga badalo baaburka u darawlka ka yahay oo dhan u socon-waayey isagoo sababta la xariiriyey in guud ahaan bulshada Somaali dul-qaadkii ka si yaraanayo lana iska daba yimid, iyadoo lagu eedoobay wax qabadkii dawlada, isla markaa yiri dawladihi deeq bixiyaasha kalsooni daro awgeed calan cas noo taagay,wuxuuna madaxweynaha intaa u sii raacshay in uu ku karaameen-doono kumanyaal Qadar sooryo lacageed iyo faataxo lagu sii sagootiyo.
 
Nin goob joog madaxtooyada ku ahaa waqtigaas ayaa sheegay in Raiisal wasaare Cabdi Faarax oo hadalka Xasan ku baraarugay ayuu sidi Daa'uuska is galay isuna muujiyey Nin ka goostay xarigi khasabka ugu faruur xirnaa awaamirta madaxweyne Xasan Shiikh ayaa markiisa hadal uu ku ciil baxay qaatay oo dabadeed iska rogay eeda dhinaciisa iyo ulajeedada habowga la rabo in xilka u hayo uga tago, waxuuna Cabdi si gaara isugu tilmaamay oo yiri Xasanow Dab iyo Qiiq waan kala aqaan saan waxgarad iyo waayeel baan ahay, wuxuu kalo cadeeyey in dhibaatada si xumaaneysa ee dadka haysata iyo cabashada ummadda, dhallisheeda waxaa iska leh ayuu yiri adiga madaxweynaha ah oo dastuurkii iyo xilkeygi afduubtay lugta wax-kastana ku walaaqaya, waxaana murtidi iyo wixii hadalo la isla sara tagay ku dhamaatay in Saacid shirka ka istaago isagoo sii baxayana wax aan la maqleyn ku si gunuunacayey 
 
Laakiin xogta warkaan waxaa dhinac socota war tilmaamaya in wasiirka arimaha gudaha Cabdikariin oo arinka muranka labada dhinac habeen madow gogol maslaxo dhex dhexaad iyo u kala dab qaad ka sameeyey ayaa ugu dambeyn hadal iyo hardiba iyo wada hadal si hoose u dhex maray Cabdi Faarax Iyo Cabdikarin gaba-gabadiisa waxaa la isla qaatay argtiyo ah in Saacid usan lahayn awood uu ku ciyaaro geemka socda oo xaga shacbiyadi taageeri lahayd ka dilanyahay, sidaa darteedna ay tahay dantiisa inu garto oo uu is casilo kana deyrin sooryada loo balanqaaday, isla markaana balantu tahay in xaaskiisa Caasho Xaaji loo magacaabi-doono wasiir culus .. Warka ayaa intaa raacinaaya in Cabdi Faarax oo iminka yiqiinsaday in uu lumiyey waqti iyo jaaniskii ku haboonaa inu reerki dhalay wax la qabsado ee ku hagagoogan-lahaa ayaa taladi kharaarka ahayd qaatay oo uu istaqaaladiisa diyaarinaaya markuu ka soo laabto socdaalkiisa shirka Xuquuqda Adamaha ka socda Jeneva.
 
Hasa ahaate xogtaas la sheegay iyo sida la yiri sheekada waa u dhacday waxbaa xaaladaas illa shalay iska badalay, oo xagga madaxweyne Xasan Shiikh gaar ahaan intu joogay Mareykanka ayaa ku tala galkii ahaa in Saacid istaqaalad keeno u socon-weyday oo ka noqo ugu baaqay Saacid, waxaana warkaas laga soo xigtay Rag qurbo joog ah oo si gaara ugu Laran cirbo goynta hanaqaadka Jubaland oo arimahaas awgeed kala shireen Xasan Shiikh cariga Mareykanka, wuxuu kalo madaxweyne Xasan kulankaas ku xusay in heshiiska Adis Ababa markii lagu khasbay ay dani run u sheegtay oo dabadeed saxiixa iyo xaraashka Juba dan mooday, laakiin heerka nabada Jubaland ayaa xuub caaro ka dhigantahay ayuu hadalkiisi ku soo daray.
 
Sadexdaan sababood ayaa la saadaalinaya in madaxwyne Xasan Shiikh uga noqday is casilaadi Cabdi faarax 
1- Waa maro waxaa Xsan Shiikh ku soo baxay huruuf mucaaradnimo usan fileyn oo uga timid xaga baarlamaanka gaar ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo waayahaan dambe u ciil-cunsan siyaasada karantiilka u ku socdo kali-tashade Xasan Shiikh gaar ahaan heshiiski Adis Abab oo aan lagala tashan, waxaana taas cadeynteeda muujinaaya ficilkiisa oo noqday fiqi tolkii kama jano tago, oo marku gudoomiye Jawaari tagay Baydhabo isago ku meel gaarka madaxweynaha ah, halkaasna si fadaqnimo ah taageero saxiix ugu duugay beeshiisa iney dayaxa aado, oo yiri waa inoo is-baaro diida Jubaland dunidana gaarsiiya, oo maamul ka sameysta 6 gobol oo ay ku jirto Jubaland, taaso micnaheeda yahay haddaan ahay Prof. Jawaari ma ictiraafsani heshiskii Adis ababa iyo waliba fulinta heshiska oo loo xil saaray Dawlada Itobiya
 
2- Haddi Xasan Shiikh uu baarlamaanka geeyo raiisal wasaare cusub waxay u badantahay in gadood ku yimaado oo codka kalsoonida la siin-waayo, haddise Cabdi Faarax Saacid halkiisa loo daayo looma baahna ansaxinta iyo ilaaqda baarlamanka, laakiin golaha wasiirada markaas sharci ahaan waa ineysan ka badan illa 16 wasiir, sidaa daraadeed Xasan Shiikh wuxuu door bidaya inu ku ekaado oo kaliya kala shaandeynta golaha wasiirada oo aan u baahneyn markaas ansaxinta baarlamaanka.
 
3- Isagoo waa Madaxweyne Xasan shiikhe is-tusay inusan Cabdi Faarax mid la mida oo itaal daro la foorara, damqaneyn ka heleyn beesha ilma Qansax Qurac oo uu ayaamo markaas ku guuri-karo u adeega dantiisa iyo higsiga New Dealka socda. 
 
Laakin dhinaca kale ayaa xusid mudan in gudoomiye Prof.Jawaari uu damacsanaa in qorshaha kala shaandheynta wasiirada ee lagala cararaayo baarlamaanka uu isna ka gilgisho oo koone kale iyo dhinac kaga imaasho ku baacsado dawlada oo isla markaa barlamaanka ka diyaariyey xeer hoosaad xusaya in wixii wasiir iyo wasiiro ku-xigeen, wasiiro dawlo ee la soo magacaabo ansaxintooda mid mid iyo su'aal iyo jawaab looga xalaaleeyo golaha baarlamaanka, hasa ahaate qorshahaas is-maqiiq u la yimi Prof.Jawaari iyo kooxdiisa fashal iyo bariiqasho ayey kala kulmeen kadib waa markii ay waayeen codkii looga baahna meel marinta qorshahaas.