Diyaarada Daallo Oo Shil Ku Gashay Garoonka Hargeysa Iyo Xisbiga Mucaaradka Oo Eedeyey Maamulka
Thursday - September 26, 2013
Hargeysa-Diyaaradda DAALLO AIRLINES, oo saaka ka soo degtay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay Dhismaha Tarminaalka, markii ay joogsanaysay Baarkinka loogu talo-galay inay diyaaradu dadka ku dejiyaan, waana diyaarada ugu weyn ee qaada xujaajta xiliga Xajka ee loo yaqaano Boeing 737-300. Mudo saacado ah kadib diyaaradii Daallo si nabad ah ayay uga duushay garoonka Cigaal Airport.
Wariyayaal ku sugan Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay in diyaaradda oo aad ugu dhawaatay dhismaha Tarminaalku ay mid ka mid ah baalasheeda ku dhufatay gidaarka dhismahaasi, kaasi oo ilaa hadda ay kula jirto.
Maamulka Madaarka Hargeysa iyo maamulka diyaaradda ayaa iska kaashanaya sidii diyaarada looga samati bixin lahaa gidaarka Terminaalka oo weli baalka kula jirto.
Dhanka kale, Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, ayaan ilaa hadda ka hadal shilkan kooban oo aan la ogeyn inay diyaarad dhibaato ka soo gaari ku noqon doonto iyo in kale.
Shilkan, ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii u dambeeyay mucaaradka muran badani ka jeediyeen dayactirka madaarka diyaaradaha Hargeysa oo la yiri waxaa lagu maalgeliyay lacag dhan $ 4.5 milyan doolar, lacagtaasi oo aan ka muuqanin garoonk
Xisbiyada mucaaradka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guul daraysatay in ay madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa uu noqdo Garoon ay ku soo dagi karaan nooc walba oo ka mid ah diyaaradaha isga kala Goosha Dunidda Dacaladeeda,una soo jeediyey in aanay diyaaradaha waawayn ku jujuubin in ay ka soo degaan Garoonka aan u qaabeysneyn in ay adeegsadaan Diyaaradaha aadka u waawayn ee xamuulka,isla markaana ay diyaaradaha u leexiyaan Madaarka diyaaradaha ee magaalo xeebeeda Berbera,oo sida ay sheegen dhaama dhinaca tayada kan Hargeysa.