Adigoo Raaliya Bal ila Eeg Sheekadaan Iyo Xikmada Ay Salka Ku Hayso
Thursday - October 3, 2013
Nin Carab ah ayaa la dhihi jiray "Cabdalla Jaceydi". dadka ayaa sheeg sheega had iyo jeer magaciisa oo afka lagu wada haya, iyadoo la leeyahay: Rag iskuma jire Cabdalla Jeceydi Raga waa ka horeya .. Waa mid qun loo abuuray qurux loo dhameeyey .. Qalbigiisa baqashada aqoon, Ma gabade, Waa Nin wixii afkiisa ka soo baxa xikmada ku jirta la kala boobo iyo ereyo kuwaas la mida.
Nin Oday ah waayo-aragnimo leh, xilkasnimo u dhashay baa is yiri Ninkaas sidaan loo sheeg sheegaayo waxa u yahay bal soo arag kana sal gaar runtiisa waxay tahay .. Ninikii Odaga ahaa xuraansi iyo wareysi ayuu ku dhaqaaqay mise Qof Cabdalla Jaceydi arkay ama Qof soo arkay uu uga sheekeya ma jiro, markaas buu go'aankiisi u si xoogeystay oo hoosta ka xariiqay inuu Ninkaas lagu wareershay madaxana looga cunay mar uun hor istaago ishiisana ku soo arko.
Odagii safar iyo socdaal ayuu galay inuu Ninkaas la sheegaayo soo arko, geedi dheer ka dib ayuu soo galay degaankii ninka lagu sheegay .. haddu cagta soo dhigay ayuu isagoo hamuun u qaba ninkaa aragiisa, weydiin iyo wareysi galay, mise dadki u yimd waaba la yaabeen, Ninka u weydiinaayo iyo sida uu maqalka ka yahay awgeed, waxayna kula taliyeen inu la kulankiisa ka gaabsado, waxayna ku yiraahdeen iska daa in lagu soo raaco xigmad, garaad iyo gar-goyne balse kaaga darane, qurux iyo muunad midna ma-laha .
Odagii Haddi laga ehbiyey asuu ku adkeystay inu arko, ayaa loo tilmaamay aqalka u magalada ka daganyahay .. Odagii orod ayuu xaf isku siiyey, sidii u sii ordaayey ayuu gurigi uu magaalada ka daganaa Ninki albaabka uga galay, mise waxaa ka soo hormuuqday Bide Gaaban oo calool kuusani ka soo horeyso, salaan is dhaafsi ka dib waa la sheekeystay, laakiin Odagii mararka qaarkood inta wada hadalku socday intu hoos u hulaabto oo indhaha isku qabto oo haddana kala fura, isagoo rumeysan la' qofka ka hormuuqda inu yahay Cabdalla Jaceydi iyo in kale ayuu haddana mar kale indhaha ku ceshaa oo waliba ku gubay si uusan ugu ekaan inu arkayo wir-wir ama humaag uun kaliya, mise sawirka u muuqda, waa waxa magaalada u dagan yahay looga sheegay oo khilaafsan midii uu magaciisa maqli jiray ka haystay ayaa isu qaban waayey.
Odagii ayaa hurguftay goiisi kana soo baxay hooyigi Cabadalla Jaceydi isagoo dhafoorka haysta kuna taahaya: war wuxu ma caynkaan buu ahaa, waa shakhsi baab alaale baab u garanaayo ama laga sugaayo aanay jirin iyo wax u micney-naayo toona .. waa ruux magaciisa been lagu kol-kooliyey oo kolba midab xaqiiqada ka fog loo yeelay shuqulba aan ku lahayn wixii lagu tilmaamayey oo maha wax uu geyo'e
Si kastaba ha ahaate Odagii oo candhuuftiisi dib u liqsan ayaa dib u soo gadoomay, oo reerkii uu ka baxay iyo degaankiisi ku soo laabtay laga reebay hawraartaan cajiibka ah ee ah " Intaad Cabdalla Jaceydi Maqli lahayd, Inaad Aragto ayaa ka Wanaagsan"