Maxaa Diintaan Loogu Magacaabay Islaam
Sunday - September 29, 2013
Dhamaan diimaha kala gedisan ee adduunka waxaa loogu magacaabay qof gaar ah ama ummad go'an oo ay diintu ka soo dhexbaxday kuna barbaartay .. Tusaale ahaan Diinta Masiixiga waxay magaceeda ka soo Qaadatay Masiix nabadgalyo korkiisa ha ahaate.
Diinta Buudana waxaa loogu magacaabay kii dhisay ee Buude. sido kale diinta Zardaashiyadu waxayna ku caan baxday kii Aasaasay ee calanka u qaaday wuxuu ahaa Zardash ..Diinta Yuhuudiyaduna waxay ka soo dhex baxday Qabiilka loo yaqaano yuhuud oo sidaas ayaa loogu bixiyey Yuhuudiyad.
Dhamaantood waa wada sidaasi Islaamka mooyaane waayo kuma abtirsado ummad go'an ee wuxuu magaceedu sifo gaar ah oo uu wato micnaha Islam.waxaana magacisi inoga muuqda in aanu diinta iska lahayn oo aan u sameysan Qof banii'aadamiga ka mid ahi, kuna koobneyn ummad go'an oo aan ahayn ummadda guud ee ay himiladisu tahay inuu dadka aduunka oo idil galiyo sifada islaamka. Qofkasta oo sifadaasi ku sifoobaana mid hore iyo mid dambaba waa muslim .. Muslimbaanu noqonayaa qofkii kasta ee ku soo biira mustaqbalka.
Micnaha Ereyga Islam: Haddi lagu noqdo ereyo kooba afka carabiga waxaa la ogaanaya in micnaha ereyga islaam uu Yahay " Is-dhiib, Fulin Iyo Adeecid". waxaana diinteena loogu bixiyey Islam. waayo waa ilaahay oo la adeeco, lana fulinaayo amarkiisa iyadoon jeed jeedsan.