Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Dagaal-yahanadi Al-Shabaab Ee Weeraray Westgate Mall Oo Soo Galay Xuduuda Somaliya

Tuesday - October 1, 2013

Nairobi-Warbaahinta Dalka Kenya oo soo xiganeysa Sirdoonka Dalka Kenya ayaa qortay War ku saabsan in uu baxsaday Sarkaalkii u fududeeyay Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee gudaha u galay Xarunta Westgate Mall kana midka ahaa ragii wax ka qaaday weerarkaasi.

Sarkaalkan oo Magaciisa lagu sheegay Abuu Sandheere ayaa la tilmaamay in uu ka mid ahaa ragii aadka ugu dhawaa Fazul Abdala oo ahaa Madaxii Al-Qaacida ee Geeska Afrika ee lagu dilay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Abuu Sandheere ayey tilmaameen Warbaahinta Dalka Kenya in uu ahaa maskaxdii fududeysay in gudaha Kenya soo galaan ragii Weeraray Xarunta Westgate Mall kana mid ahaa xubnihii hogaminayay weerarka markii ay gudaha u galayeen Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa.

Sarkaalkan la tilmaamay in uu fududeeyay Weerarkii Westgte Mall waxna ka qaaday Weerarka ayaa la tilmaamay in markii Weerarku bilowday kadib uu ka mid ahaa dadkii kasoo baxay gudaha Xaruntaasi iskuna dhex daray dadkii la bad-baadinayay sida uu qoray Wargeyska The Dailay Nation.

Abuu Sandheere ayey Tilmaameen Sirdoonka Kenya in uu Kooxda u qaabilsnaa arimaha Sirdoonka wadamada Jaarka la ah Soomaaliya iminkana la rumeysan yahay in uu u baxsaday gudaha Soomaaliya kana gudbay xadka ee labada Dal wadaagaan.

Sarkaalkan iyo labo ruux oo kale oo ka mid ahaa ragii Weerarka ku galay Xarunta Westgate Mall ayaa la rumeysan yahay in ay si xeeladeysan uga baxsadeen Xarunta Westgate Mall iminkana soo galeen gudaha Soomaaliya.

War ilaa soo baxaayey ayaa jira oo sheegaya in qaar badan baxsadeen oo raaceen Tuubooyinka qaada wasakhda kuwaasoo goob ka baxsan dhismaha ay geeyeen Tuunbooyinku.
 
Dowlada Kenya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in aanay jirin wax ka baxsaday Ragii hubeysnaa ee Weerarka ku galay Xarunta Westgate Mall todobaadkii hore, Dowlada Kenya ayaan wali la iman cadeymo muujinaya tirada ragii Weeraray Westgate inta dhimatay iyo inta ay qabteen iyo waliba kuwa la rumeysan yahay in ay baxsadeen.