Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

7 Qof Oo Ka Mid Ahaa Wafdigii Si Raacay DF Ee Shirkii Brussels Oo Iska Dhiibay Yurub Iyo Canad

Wednesday - October 2, 2013

Xigasho Puntlandi- Stockholm–Sagaal Ruux oo ka mid ahaa Wagdigii Madaxweyne Xasan Shekh u soo kaxaystey Shirarkii Brussels iyo Mareykanka ayaa fakadey, kuwasoo qaarkood hada lagu arkey Sweden iyo Norway, labo waxay Afhayeenka Villa Soomaaliya ugasoo hareen Dalka Ireland, Labo kale waxaa gaari looga qaadey Columbus oo waxay iska dhiibeen Canada.
Maalmihii shirka Brussels socdey waxaa Hotelkii laga waayey shan ruux kuwasoo xitaa la fakadey Kaararkii furaha qololka Hotelka ahaa,tasoo dhalinaysa in laga yaabo in lacago dheeraada lagu soo dalaco qaybtii xisaabaadka Shirka qaabilsaneyd.
 
Dadka isdhiibey waxaa ka mid ahaa Sadex Qof oo aan Dowlada u shaqayn balse u muuqda kuwo lasoo Xambaarey si ay isu dhiibaan . Laba wiil ayaa Afhayeenka Villa Soomaaliya Cabdiraxmaan Yariisow uu u kexeeyey Ireland, maalmo ka hor ay iyana iska dhiibeen Magaalada Dublin.
Wafdiga Madaxweynaha qaar ka mid ah ayaa wali Yurub ku sugan kuwasoo Casumaado ka heley Jaaliyadaha, Waxaa ka mid ah Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose oo Casumaad ka heley Jaaliyada Gobolkaas ee Meelo Yurub ka mid ah, Isagoo arimo caafimaad hada u jooga Jarmalka .Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa isna Casumaad ka heley Jaaliyada Holland.