Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Canada Iyo Somaliya Oo Dib U Furanaaya Safaaradahooda

Thursday - October 3, 2013

Ottawa -Waxaa maalmahan dalka Canada safar shaqo ku joogta wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Wasiirka ayaa la kulantay dhigeeda dalkaas John Baird , waxana ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay siddii loo soo celin lahaa calaaqaadkii ka dhexeeyay labada dal.

Kulankaas kaddib waxa ay dowladda Canada ku dhawaaqday lacag gaareyso 6 Million oo doollarka Canadian-ka ah taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo Soomaaliya, si loogu horumariyo arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska. 

John Baird ayaa sidoo kale tilmaamay in taageeradan ay ka caawin doonto dowladda federaalka ah xoojinta dagaalka argagixisada iyo burcad badeedda. 

Wuxuu xusay in xukuumaddiisu ay muhiimad u leedahay nabad gelyada iyo horumarka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in lasii xoojiyo dadaallada hadda socda. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Fowsiya Yuuusf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in taageero caalami ah oo ay hesho Soomaaliya lagu xaqiijin karo nabadda iyo horrumada kala duwan ee ay hiigsaneyso dowladda. 

Waxey tilmaantay in guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab, islamarkaana hoos u dhac weyn uu ku yimid dhibaatada burcad badeedda. 

Wafdi ay hoggaamineyo FowsiyaYuusuf Xaaji Aadan ayaa ku sugan dalka Canada, iyadoo madaxda dalkaas kala hadleysa taageerada Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.