Shirkado Maalgashi Shidaal Oo Ku Si Qulqulaaya Somaaliya
Monday - October 7, 2013
London-Shir ballaadhan oo looga hadlayo arrimaha tamarta iyo shidaalka Somaliya ayaa maanta ka furmey magaalada London ee dalka Britian.
Shirkan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladda Somaliya iyo shirkada Soma Oil and Gas oo horey u gashey heshiis ay ku maamuleyso hawlaha shidaalka iyo gaaska Somaliya.
Waxaa shirkan ka soo qeybgalaya oo kale dalal iyo shirkado ka kala socda caalamka oo daneynaya adeegyda shidaalka iyo tamarta Somaliya .. kulan kan ayaa waxa ka soo qayb-galaya khabiiro badan oo isugu jira Somali iyo ajaanib kale, iyadoo la ogyahay in shirkaddo badan ay ku sii qul qulayaan somaliya oo rajaynaya in ay maalgashadaan khayraadka ku jira dhulka Somaliya inkasta oo aanay amaan ahayn meelo badan oo ay shirkadahaasi bartil-maameed ka dhiganayeen.