Danjire Mulatu Teshome Oo Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Itobiya
Tuesday - October 8, 2013
Adisababa- Baarlamaanka sare iyo midka hoose ee dalka Itoobiya waxay madaxweyne u doorteen Danjire Teshome oo 57-jir ah oo siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya, islamarkaa sannadihii ugu dambeeyay ahaa danjiraha dalkiisa u fadhiya dalka Turkiga.
Madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya ayaa wuxuu kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo ka mid ah qowmiyadaha dalka Itoobiya, iyadoo madaxweynihii ka horreeyay uu isaguna ka sooo jeeday isla qowmiyaddan oo ah midda ugu ballaaran qowmiyadaha dalkaas.
Danjire Mulatu Teshome ayaa horay u soo noqday danjiraha Itoobiya ee dalalka Jabbaan iyo Shiinaha, isagoo kale soo qabtay xilka wasiirka beeraha, waxaana ay doorashadiisu ku soo beegmaysaa iyadoo sannadkii hore ee 2012-da uu geeriyooday raiisul wasaarihii muddada dheer xukumayay Itoobiya, Meles Zenawi.
Nidaamka xukun Itoobiya oo ah madaxweyne awood yar iyo raiisul wasaare awood badan ayaa waxaa labadaba soo doorta xubnaha labada aqal ee dalkaas, waxaana madaxweynihan cusub uu ka mid noqonayaa madaxweynayaashii soo mara Itoobiya tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas Col. Mingistu Hailemariam sannadkii 1991