Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 July 2025

Roobab Ay Ku Doogsadeen Dad Iyo Duunyo Oo Inta Badan Ka Da'ay Somaaliya

Wednesday - October 9, 2013

Mogadisho ( RH)Sida la soo sheegaayo Roobabkii dayrta ayaa ka curtay qeybo ka mid ah Somaaliya gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Marka, Beledweyne, Jalalaqsi, Buulo-burte, Matabaan, Jowhar iyo deegaanno kale oo ka tirsan miyiga.

Radio Hormuud ee magaalada Muqdisho oo xiriir la sameeyay qaar ka tirsan dadka ku nool magaalooyinka roobka ka da’ay ayaa sheegay in roobka dayrta uu u curtay xilli xoola dhaqatadu ay ka cabsi qabeen abaar iyo biyo la’aan.

Waxaa kalo la soo sheegay in dadka uu la hadlay ay tilmaameen in dad iyo duunyaba ay ku doogsadeen roobka dayrta oo u muuqda mid billow ah.

Magaalada Muqdisho ayaa roobka wuxuu dhigay biyo badan si ka mid ah magaalooyinka uu ka da’ay. roobka dayrta ayaa hakad galiyay isku socodka dadka iyo gawaarida, lamana xusin wax khasaaro ah oo illa hadda roobabkaas da'ay ay geysteen